Magaaladda Muqdisho waxaa lasoo gaarsiiyay dhaawacyadda Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaliya kadib dagaalkii shalay ka dhacay Degmadda Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.
Dagaalkii shalay ka dhacay Degmadda Balad-xaawo ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen tiro ciidamo ah oo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Haram-cad ee Booliska sida gaarka ah u tabaran.
Diyaaradd khaas ah ayaa dhaawacyadda Ciidamadda Dowladda Soomaaliya kasoo qaaday Degmadda Balad-xaawo,waxaana shalay laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho.
Gaadiidka Gurmadka deg deg ayaa askarta dhaawacyadda kasoo qaaday Garoonka diyaaradaha,waxaana la dhigay isbitaalka Martiini oo dhawaan la qalabeeyay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ilaa haatan wax war ah kasoo saarin dagaalkii shalay ka dhacay Degmadda Balad-xaawo.

