Taliska mareykanka ee qaaradda Africa ee magacooda loo soo gaabiyo Africom ayaa faah faahin ka bixiyay duqeyn ay sheegeen in ay ka fuliyeen qeybo kamid ah gobalka shabeellaha hoose.
Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska mareykanka ee qaaradda Africa ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay ka fuliyeen meel udhaw deegaanka kuunyo barrow oo hoosta gobalka shabeellaha hoose islamarkaana waxa ay intaasi kudareen in duqeyntan ay ku dileen hal xubin oo katirsan Alshabaab halka ay kudhaawaceen 2 xubnood sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay taliska mareykanka ee qaaradda Africa ee magacooda loo soo gaabiyo Africom oo uu kusaxiixnaa agaasimaha howlgallada taliska mareykanka ee qaaradda Africa ninka lagu magacaabo Gen. Bill Gayler.
Taliska mareykanka ayaa shaaca kaqaaday in waxqasaare aysan soo gaarin dad shacab ah waxa aynta intaas kudareen in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan ciidamada dowladda federaalka somala.

