Al-shabaab ayaa tiro hoobiyayaal ah ku weeraray xarunta Xalane oo saldhig ku leeyihiin ciidamadda Midowga Afrika AMISOM,Sidoo kalana ay safaarado ku leeyihiin wadamada reer Galbeedka.
Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in tiro hoobiyayaal ah lagu weeraray xarunta Xalane,islamarkaana khasaare uu jiro.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.
“Al-shabaab ayaa tira madaafiic ah ku weeraray xerada Xalane oo AMISOM deganyihiin waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.
Bishii lasoo dhaafay sidaan oo kale ayay xoogaga Al Shabaab weerar madaafiic ah ugu qaadeen saldhigga Xalane wuxuuna weerarkaas sababay in shaqada laga eryo taliyihii booliska degmada Wadajir.

