Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la socday gaari kuwa dagaalka ah ayaa jiiray Mooto bajaaj Gudaha Magaaladda Muqdisho.
Falkaan ayaa ka dhacay wadada isku xirta Isgoyska Dabka iyo Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal xiliga shilka uu dhacayay waxaa mootadda saarnaa laba ruux oo kala ah wadihii Mootada iyo Gabar.
Waxaa la sheegay in labadda ruux ay gaareen dhaawacyo culus,islamarkaaana la dhigay mid kamid ah isbitaalada ku yaala Magaaladda Muqdisho.
Ciidamadda ka dambeeyay falka ayaa goobta isaga baxsaday.

