Madaxweyne Laftagareen oo Diinsoor Ku Wajahan.

0

Cabi casiis Xasan Mxamed ( Laftagareen) Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku wajahan Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobalka Baay.

Waxaa ka socda Degmada Qaban-qaabo lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha, waxaana gaaray degmada qaar kamid ah madaxda sar-sare ee Koonfur Gabeed kuwaasoo ka shaqaynaya sidii ay ay u soo dhaweyn lahaayeen madaxweynaha.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu u tagi doona halkaaa sidii uu uga qayb gali lahaa caleema saarka guddoomiye dhawaan ay doorteen Golaha degaanka  diinsoor.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweyne Laftagareen uu halkaa sidii uu u dhagax dhigi lahaa mashruucyo laga fulin rabo, waxaana ay isugu jiraan Goobo waxbarsho iyo isbitaalo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here