Xubnaha Golaha Wakiilada Puntland ayaa maanta kulan deg deg ah waxaa ay ku leeyihiin magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal, arrinta ugu weyn ee kulanka keentay ayaa ah cidda noqoneysa ku-simaha madaxweynaha Puntland, maaadama Deni iyo ku xigeenkiisu ay dalka ka wada-maqan yihiin.
Arrintaan ayaa ka dambeysay,kadib markii Golaha Wasiirada Puntland iyo Xubnaha Baarlamaanka Maamulkaas ay isku qabsadeen cidda noqoneysa kusimaha Madaxweynaah,iyada oo haatan xilkaasi uu sii haayo Wasiirka Cadaallada Maamulka Puntland.
Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa sheegay dhawaan in madaxweynaha maamulkaasi Siciid C.lahi Deni uu ku xadgudbay nidaamka iyo shuruucda u yaalla maamulka Puntland.
Magaalada Garoowe waxaa maanta ka taagan xaalad cakiran oo ah cidda noqonaysa ku simaha madaxweynaha, maaddaama masuliyiintii ugu sarreysay ay ka maqan yihiin dalka.

