Dil Maanta Ka Dhacay Dhuusamareeb

0

Wararka aynu ka helayno magaalada dhuusamareeb ee xarunta Gobalka Galgaduud ayaa ku warramay in lagu dilay Askari ka mid ah, ilaalada Wasiirka Amniga Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf oo isna kamid ah Madaxda Ahlusunna.

Waxaa la shegay in dilka uu gaystay askari kale oo ka tirsan ciidan Ahlu sunna, kadib markii uu muran soo kale dhexmaray labada Askari, sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah, waxaana la sheegay in gacanta lagu dhigay Askarigii dilka geystay, haddana gacanta lagu hayo.

Waxaana dilkani uu ka dhacay xarunta  Inji oo ah halka ay daggan yihiin maamulka Ahlu Sunna.

Magaalada dhuusamareeb ayaa la ciir-ciiraysa ciidan farabadan oo ka amar qaata laba garab oo iska soo horjeeda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here