Taliska ciidanka booliska magaalada baladweyne ayaa amar kasoo saaray goobaha gawaarida lagu dhaqo, Laba Xidigle Muuse Salaad Wehliye ayaa kormeer ku sameeyay xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana uu taliyuhu uu digniin un jeediyay milkiilayaasha iska leh goobaha gawaarida lagu dhaqo.
Waxaa uu sheegay taliyuhu in dadka degaanka ay dhibaato ku qabaan goobahaas, waxaa sidoo kale ay dhibaato ku hayaan bilicda magaalada.
Waxaa uu sheegay in ay milkiilayaasha ay ka waantoomaan arrimaha nuucaan ah, isagoo ugu baaqay in ay sameeystaan goobo ay waqyaabaha wasaqda ah ay ku shubaan, aysanna foolxumeyn bilicda magaalada.
Sidoo kale waxaa taliyuhu uu digniin u jeediyay dadka qashinka ku shuba wabiga iyo hareeraha wabiga kuwaas oo dhibaato caafimaad keeni kara.

