Maxkamadda CQS oo Xukun Ku Riday mas’uul ka Tirsanaa Maamulka G/Banaadir

0

Maxkamadda ciidmadda qalabka sida ee Dowladda Soomaliya ayaa ku xukuntay ku simahihii agaasimaha shaqada gobolka banaadir Nuur Cali Axmad (Mahad Alle) Xabsi Ciidan oo 3 Sanno ah.

Maxkamada ayaa sheegtay in xukunkiisa uu ku ku mutaystay kadib markii lagu helay inuu horay uga mid ahaan jiray Alshabaab, Islamarkaana uusan soo marin Habka Is Diiwaan Galinta ee la marsiiyo dadka ka hara Alshabaab.

Sidoo kale waxay Maxkamaddu sii daysay C/laahi C/raxmaan Maxamed oo ay walaalo ahaayeen Basiiro oo la aaminsan yahay inay ahayd qofkii isku miidaamisay Xarunta Gobalka Banaadir, iyadoona la amray in Hay’adaha Ammaanku ay isha ku hayaan Dhaqdhaaqa C/laahi.

Go’aankan ayaa digniin u ah dadka ka tagay Fikirka Al-shabaab ee aan marin Habka Isdiiwaangalinta, Waxaana loo aqoonsanayaa cid kasta oo aan isi soo diiwaan galin inay wali ka mid tahay Alshabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here