C/rashiid Janan:-“Ciidamadda Dowladda Cabsi Kama Qabo, Shacabna Ma Dilin”,!

0

Wasiirka Amniga Maamulka jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa ka hadlay wararka ku aadan in ciidamadda Dowladda Soomaaliya loo geeyay Gobolka Gedo, in ay isaga soo qabtaan.

Isagoo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee Bbc-da ayuu sheegay inuu jooggo Degmada Beled Xaawo iyo Ciidamada Dowladda ee ku sugan ayuu Sheegay inaanu wax cabsi ah ka qabin dhinaca Ciidamadda Dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay inuu maanta haysto ciidan ka tayo iyo qalab wanaagsan Ciidamada Dowladda ee joogga Degmada Beled Xaawo, sidoo kalena ay diyaar u yihiin ciidan kaloo kuwa Jubbaland ah, oo heegan ugu jira inay amarkiisa oo qura hellaan.

“Ciidanka magaalada joogga ciidan ka tayo wanaagsan, kana qalab wanaagsan baa aniga gacanta iigu jiro oo iga amar qaadanayo, oo Dowlad Goboleedka Jubbaland ay leedahay oo anigu aan xukumo. Kuwo kale oo haddii aan dareemo inay ciidan la’aan i hayso aan la imaan karo, goobo kalena ku sugan way jiraan oo Jubbaland ay leedahay, oo aniga iga amar qaato oo i suggayo ayaa heegan ku wada jiro.” Ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka kale wasiirka ayaa sheegay in aysan jirin dad shacab ah oo uu dilay, balse ay dhici karto in dagaal dhex maray Ciidamada Jubbaland iyo Shabaab ay dad rayid ahi ku dhinteen.

“Aniga waxaan dhibaato u gaystay oo dad ah, shacabka Soomaaliyeedna ah ma jirto. Dagaal Shabaab iyo ciidankayaga dhex maray way dhici kartaa in xabado la isku riday dad shacab ah ay ku dhinteen, laakiin dad shacab ah oo Soomaaliyeed oo aniga si gaar ahi dhibaato ugu gaystay ma jirin.” Ayuu yiri Wasiirka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here