Waxaa dagan xaaladda Degmadda Balad-xaawo ee Gobolka Gedo oo shalay ay ku dagaalameen Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kuwa Maamulka Jubbaland.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa dhufeysi cusub ka sameystay Gudaha Degmadda Balad-xaawo,waxaana dhanka kale dhaqdhaqaayo ciidan wada Ciidamadda Maamulka Jubbaland.
Mas’uuliyiinta Jubba-land ee ku sugan duleedka Degmada Beled Xaawo ayaa ku hanjabay inay iska difaaci doonaan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, ee lagu soo daabulay Gobolka Gedo.

