Jubbaland oo Dowlada Soomaaliya Ku Eedeysay in Colaad Ka Hurinayso Balad-xaawo

0

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay colaad ka hurinayso Degmadda Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

Waxa uu sheegay in dhacdadii shalay ka dhacday Degmadda Balad-xaawo ee lagu dilay ciidamo Jubbaland ka tirsanaa ay ka dambeysay dowladda Soomaaliya.

“Waxaan rabay inaan ka hadlo xaaladda Gobolkan Gedo, waxaa layaab leh maanta xaaladduu ku sugan yahay, heshiiska maanta Villa Somalia ka furan waxa uu kula kacay gobolkan anoo hubo in laga gudbi doono, laakiin taariikh xun ay ku reebi doonto,maanta waxaa lagu sameeyay qalqal amni, waxaa lagu sameeyay umaddii deganeyd in la iska horkeeno, waxaa lagu sameeyay in laga jeediyo cadowgii kow iyo tobanka sano gobolkan lagula dagaalamayay, oo tuulo walba fadhiya, sidii loo sii ciribtiri lahaa waxaa la saaray cunaqabateen. 28-kii January laga bilaabo diyaaradihii baa laga joojiyay.”, ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubbaland.

Dhanka kale Madaxweyne Kuxigeenka 1aad Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa layaab ku tilmaamay in Dowladda Soomaaliya diyaarado askar ugu soo qaado Magaaladda Muqdisho, oo Shabaab dhibaatooyin ku hayaan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here