Doorasho Madaxweynaha iyo ku-xigeenka oo ka dhacaysa Magaaladda Dhuusa-mareeb

0

Doorashadda Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug ayaa maanta ka dhacaysa Magaaladda Dhuusa-mareeb.

Xilka Madaxweynaha Galmudug waxaa u taagan

  1. Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), musharax Musharaxa Dowladda.
  2. Axmed Shire Maxamed (Falagle).
  3. Cabdiraxmaan Aadan Sabriye
  4. Axmed Cabdullaahi Samatar.

Dhanka kale shan musharax ayaa u taagan jegada Madaxweyne Kuxigeenka, oo kala ah

  1. Cali Daahir Ciid,
  2. Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey),
  3. Cabdikhani Sheekh Cali Diini,
  4. Axmed Yuusuf Warsame (Taajir)
  5. Saadaq Cabdullaahi Xaashi.

Musharixiinta Mucaaradka ayaa qaadacay ka qeyb galka Doorashadda Madaxweynaha maamulka Galmudug,kuwaasi oo kala Odawaa, C/laahi Wehliye, Kamtaal Guutaale iyo abdi Dheere.

Amaanka Magaaladda Dhuusa-mareb ayaa si weyn loo adkeeyay,waxaana amniga Magaaladaas sugaya Ciidamadda AMISOM iyo kuwa Booliska Dowladda Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here