Doorashadda Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug ayaa maanta ka dhacaysa Magaaladda Dhuusa-mareeb.
Xilka Madaxweynaha Galmudug waxaa u taagan
- Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), musharax Musharaxa Dowladda.
- Axmed Shire Maxamed (Falagle).
- Cabdiraxmaan Aadan Sabriye
- Axmed Cabdullaahi Samatar.
Dhanka kale shan musharax ayaa u taagan jegada Madaxweyne Kuxigeenka, oo kala ah
- Cali Daahir Ciid,
- Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey),
- Cabdikhani Sheekh Cali Diini,
- Axmed Yuusuf Warsame (Taajir)
- Saadaq Cabdullaahi Xaashi.
Musharixiinta Mucaaradka ayaa qaadacay ka qeyb galka Doorashadda Madaxweynaha maamulka Galmudug,kuwaasi oo kala Odawaa, C/laahi Wehliye, Kamtaal Guutaale iyo abdi Dheere.
Amaanka Magaaladda Dhuusa-mareb ayaa si weyn loo adkeeyay,waxaana amniga Magaaladaas sugaya Ciidamadda AMISOM iyo kuwa Booliska Dowladda Soomaaliya.

