Shiikh Shariif oo Ka Digay in La Musuq-Masuqo Doorashadda Soomaaliya+Dhageyso

0

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ka digay in la musuq-Masuqo Doorashadda soo aadan ee Soomaaliya ka dhacaysa.

Isagoo ka hadlayay munaasabad soo dhaweyn aheyd oo loogu sameeyay Magaalada London ee Caasimadda dalka  Ingiriiska ayuu Shariif-ka ka digay in musuq-maasuqo doorashadda Soomaaliya ka dhacaysa.

Waxa uu sheegay in aan jirin cid og sida loo diiwaangelinayo codeeyaasha oo fure u ah Doorasho qof iyo cod ah.

Dhanka kale Shiikh Shariif ayaa sheegay in sababta loo diiwaan galiyay xisbiyadda ay tahay ka qaybgalka doorasho dadka uwada furan oo aan loogu daneeneen shaqsiyaad gaar ah.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Shiikh Shariif ka hadlay doorashada Galmudug oo la isku mari la’yahay,wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in jawi daganaan ah loo wajaho doorashadda Maamulkaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here