Taliska ciidanka maraykanka ee loo soo gaabiyo ( AFRICOM) ayaa waxaa ay sheegeen in ay gudaha Soomaaliya ka fuliyeen duqayn xagga cirka ah oo ay la bartilmaameysteen xubno ka tirnasa Al-shabaab.
War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ayaa waxaa ay ku sheegeen in 27 bishaan oo shalay ku beegnayd ay fuliyeen duqayn cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha maraykanku, duqaynta ayaa ka dhacday degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe, waxaana uu talisku sheegay in ay khasaare gaarsiiyeen Shabaab, talisku waxaa uu sheegay in aysan ku waxyeeloobin dadka shacabka ah ee ka agdhawaa goobta ay duqaybta ka fuliyeen.
Ma jirto cid ka madax bannaan Maraykanka oo xaqiijisay duqaynta ay sheegeen in ay ka fuliyeen jilib, Al-shabaab dhankooda wax war ah kama soobixin oo ku aaddan duqaynta laga fuliyay jilib.
AFRICOM waxaa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan taageeridda ay siinayaan dowladda somaaiya iyo AMISOM, waxaa ay intaas ku dareen in sii wadi doonaan la dagaalanka Shabaab.

