Guddiga Doorashadda Madaxweynaha Galmudug oo Muddo Kordhin Sameeyay

0

Guddiga Doorashadda ee Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa markii labaad muddo kordhin ku sameeyay waqtiga araaji qabshadda Musharixinta.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahliil, Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Dhuusa-mareeb ayaa sheegay in labo maalin lagu daray waqtiga qabashada araajidda,islamarkaana mudadaas musharixiinta looga baahan yahay in ay isa soo diiwaan galiyaan.

Dhanka kale gudoomiyaha waxa uu sheegay in dhexdhaxaad ay ka yihiin arrimaha socda,islamarkaana musharaxii diida qaban-qaabadooda Magaaladda Dhuusmaareeb uu yahay mid aan horu-socod doonayn.

Musharixiinta Galmudug iyo Ahlusuna Waljameeca ayaa si xoogan uga horyimid dadaalada ay dowladdu ku dooneyso inay ku soo dhisto Galmudug-ta cusub, sababo ku aadan iyagoo dowladda ku eedeeyay inaanay dhexdhexaad ka ahayn arrimaha doorashada.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here