Dagaalyahanada Daacish oo Dhaqdhaqaaqyo Ka Bilaabay Buuraleyda Qandala

0

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ee Maamulka Puntland ayaa ku waramaya in dagaalyahanadda Kooxda Daacish ay dhaq-dhaqaayo ciidan kawadaan buuraleyda degmada Qandala ee Gobolkaas.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka, dagaalyahano ka tirsan Daacish aad u hubaysan ayaa shalay lagu arkay tuulooyin hoos yimaada degmada Qandala ee gobolka Bari, kuwaasi oo ka soo degtay dhulka buuraleyda ah.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in dagaalyahanada Daacish ay si weyn u hubeysan yihiin,islamarkaana ay suurta gal tahay in ay gaaraan Degmadda Qandala.

Degmadda Qandala waxaa shalay  gaaray Mas’uuliyiin ka Tirsan Puntland,waxayna halkaas ka daah fureen mashruuc Layrarka Cadceeda ku shaqeeya oo ay hirgelisay hay’adda TIS+/USAID.

Daacish ayaa horay mar u qabsatay degmada Qandala ee Gobolka Bari 26-kii October 2016, balse ciidamada difaaca Puntland ayaa Daacish dib ugala wareegay degmadaasi  7-dii December 2016.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here