Xaflad aroos oo kasocotay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa xalay ka dhacday arrin ay aad uga naxeen dadkii kasoo qayb galay xafladda, kadib markii ay ku geeriyootay mid ka mid ahayd Gabdhahii arooska ka cayaarayay.
Gabadhan ayaa la sheegay in uu naqasku ku dhagay iyada oo ku guda jirta cayaaraha inta badan laga cayaaro aroosyada, waxaa la sheegay in gabadha loola cararay goob caafimaad oo ka agdhaweyd goobta ay xafladda arooska socotay, balse ugu danbayn ay nafbaxday.
Kasoo qayb galayaashii kasoo qayb galay xafladda aroos ayay arrintani naxdin xooggan ku abuurtay, waxaana is baddalay jawigii farxaddu ka jirtay, iyadoo naxdin ay lasoo daristay marti sharaftii kasoo qayb galay xafladda, wixii intaas ka danbeeyana waxaa gabi ahaanba halkaa lagu joojiyay damaashaadkii iyo farxaddii goobta ka socotay.
Si kastaba ha ahaatee arrintaan ayaa noqotay mid si weyn looga naxo, waana arrin si weyn looga hadal hayo magaalada Gaalkacyo iyo degaanada ku dhaw.

