Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobalka Hirraan ayaa waxaa ka dillaacay Cudurka Shuban biyoodka, iyadoo uu soo ritay dad badan oo isugu jira bulshada qaybaheda kala duwana, waxaana u badan dadka uu soo ritay cudurkani carruurta.
Inta la xaqiijayay Seddex carruur ah ayaa u geeriyootay cudurka shuban biyoodka halka 45 kalena isbitaalka la dhigay kuwaas oo la il daran cudurka shuban biyoodka.
Drs Farxiyo Axmed oo ka mid ah howl wadeenada isbitaalka guud ee Baladweyne ayaa inoo sheegtay in xaaladda caafimad ee dadka uu soo ritay cudurkani ay aad u xuntahay, waxaana dhimashada ay maree seddex caruur ah. Degmooyinka iyo tuulooyinka u dhaw magaalada baladweyne ayaa laga keenaa inta badan bukaanada, waxaa ay drs Farxiya intaa ku dartay in cudurkani uu ka dillaacay fatahaaddii uu dhawaan sameeyay wabiga shabeelle, wax-yeeladii iyo dhibaatooyinkii dhashay wabiga shabeelle ayaa sababtay in ay dadkani uu soo rito cudurku, iyadoo maalin maalinta ka danbeysa aysoo kordhayso dadka uu saameeyay xanuunkani.
Magaalada baladweyne ayaa ka mid ahayd meelaha uu sida weyn u saameeyaay fatahaadihii uu sameeyay wabiga shabeelle, waxaana jirta in aan sidii la rabay wax loogu qaban dadkii uu saameeyay wabigu.

