Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay shirqool siyaasadeed ay u dhigtay madaxda Ahlsunna Waljameeca kadib markii la dooran waayey mid kamid ah xubnaha barlamaanka Ahlsunna.
Maxamed C/laahi Maxamuud Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha guud ee Galmudug oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay In heshiisku ahaa in xubin ka socota Ahlusuna loo magacaabo Gudoomiyaha Guddiga Doorashadda Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug.
Waxa uu sheegay In todobaadkaan dhexdiisa kulan ay isugu yimaadeen Xubnaha Guddiga Doorashadda,balse xubnihii ahlusuna ay isaga tageyn shirka kadib markii loo dooran waayay hogaanka Guddiga Doorashadda.
Siyaasadda jahwareer ah ayaa ka taagan Galmudug,waxaana dib usoo laabtay khilaafkii Dowladda Dhexe iyo Ahlusuna Waljameeca.

