Generaal Odawaa oo Saraakiisha Mareykanka Kala Hadlay Dagaalka Shabaab

0

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Generaal Odowaa,Yuusuf Raage ayaa gaaray Saldhigga Balidoogle ee guutada 16-aad Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha wuxuu Kulamo la qaatay,saraakiisha iyo Ciidamada, oo uu ku boggaadiyey guusha joogtada ah ee ay ka soo Hooyaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

S/guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa wuxuu bogaadiyay askarta iyo Saraakiisha Kumaandooska Xoogga Dalka Hawlgalada dabar Gooynta oo ay kuhaayaan Al-shabaab wuxuuna kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda .

Sidoo kale, Taliyaha ayaa halkaas kulamo kula qaatay Howlgalada Mareeykanka iyo Amisom kuwaasi oo looga hadlay sidii loo dardargalinlahaa dagaalka dalka looga xoreeynayo Al-shabaab.

Jeneraal Odawaa ayaa wuxuu kormeer ku sameeyay dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay xerada Balidoogle oo ah taliska guutada 16-aad ee kumaandooska Xoogga Dalka oo inta badan sameeyo howlgalo dhabar jab xooggan ku noqday kooxaha nabadiidka ah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here