Siyaasi Sheegay Qorshe Loogu Hortagi Karo Qaraxyada Al-shabaab+Dhageyso

0

Maxamed Buule oo ka faaloodda Arrimaha amaanka, ayaa ka hadlay qaraxyada iyo weeraradda Al-shabaab ka geystaan Magaaladda Muqdisho.

Isagoo la hadlayay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayuu sheegay in sida kaliyah ee Al-Shabaab looga hortagi karo qaraxyadda iyo weerarada ay geystaan ay tahay in la helo rag ku xeel dheer amaanka oo lagu wareejiyo Hay’adaha Booliska iyo Nabadd Sugidda.

Waxa uu sheegay in aysan jirin saraakiil Boolis iyo Nabadd Sugidd oo u diyaarsan in ay ka hortagaan qaraxyadda iyo Weeraradda Al-shabaab ka fuliyaan Magaaladda Muqdisho,taasina ay fursad u heleen Shabaab.

Al-shabaab ayaa 28-kii Bishii December  aynu soo dhaafnay fuliyay qarax khasaare badan dhaliyay kaasi oo ka dhacay isgoyska Ex-kontorool Afgooye ee Magaaladda muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here