Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxii maanta ka dhacay Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose.
Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in qaraxa lala eegtay Kolonyo Turki ah oo maraysay baar Ismaaciil Degmadda Afgooye.
Al-Shabaab waxa ay shegeeen in qaraxa lagu dilay 6-askari oo turki ahaa iyo Injineero,islamarkaana sidoo kale khasaare la gaarsiiyay gaadiidkii ay la socdeen.
“Qaraxan oo ahaa camaliyad Istish-haadi ah ayaa lala helay goob ay ku sugnaayeen shaqaalaha Turkiga iyo Ciidamadii ilaalada u ahaa waxaana la sheegay in halkaas uu ka dhashay khasaare aad u xooggan”, ayaa lagu yiri qoraalka Shabaab.

