Ematate-ka oo Ka Hadashay Qarax Shalay Ka Dhacay Afgooye

0

Dowladda imaaraatka carabta ayaa sikulul u cambaareysay qarax qasaare kaladuwan geeystay, qaraxaasi  oo maalinimaddii shalayto aheyd ka dhacay qeybo kamid ah degmada afgooye ee gobalka shabeellaha hoose.

Qaraxan oo ahaa mid ismiidaamin ah  islamarkaana loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa kadhacay halka loo yaqaanno bood boodka  oo udhaw degmada afgooye oo qiyaastii 30 kiilomitir dhanka galbeed kaga beegan magaalada muqdisho  ee caasimadda dalka  Somalia.

Qaraxa waxaa kugeeriyooday 4 qofood islamarkaana waxa  kudhaawacmay  tiro kale waxaana dadka dhaawacmay kamid ahaa xubno udhashay dalka turkiga oo kusocdaalayay wadada uu qaraxa kadhacay waxaana lasheegay in qaraxa lala beegsaday kolonyo ay lasocdeen shaqaale udhashay dalka turkiga kuwaasi oo marayay wadada uu qaraxa kadhacay.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda imaaraatka carabta waxa ay si xooggan ucambaareeyeen qaraxa kadhacay degmada afgooye ee gobalka shabeellaha hoose qaraxaasi oo ay waxyeello kasoo gaartay shaqaale turki ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda dalka imaaraatka carabta ayaa shaaca kaqaadday in ay aad uga xuntahay dhibaatada soo gaartay dadka qaraxa uu haleelay islamarkaana waxa ay sheegeen in ay murugada ladareemayaan dhamaan ehelladii iyo qaraabadii ay dhibaatada kasoo gaartay qaraxa kadhacay qeybo kamid ah degmada afgooye ee gobalka shabeellaha hoose.

Hadalkan kasoo baxay dowladda imaaraatka carabta ayaa kusoo aadaya iyadoo maalinimadii shalayto aheyd uu qarax xooggan kadhacay halka loo yaqaanno bood boodka oo katirsan degmada afgooye ee gobalka shabeellaha hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here