Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Deg Afgooye iyo Cidda Lala Eegtay Qaraxaasi

0

Qarax ayaa maanta ka dhacay degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa mid si weyn looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmada Afgoye ayaa ka dhacay Baar ismaaciil oo ka tirsan degmadaas.

Wararka ayaa  sheegaya in qaraxa lala eegtay shaaqaale Turky ah oo goobta marayay kuwaas oo dhisayay wadada xariirisa muqdisho iyo Afgooye, waxaana intaas ay wararku ku darayaan in qaraxa uu ahaa mid uu fuliyay isa soo miidaamiyay gaari watay.

Waxaa jira qasaare ka dhashay qaraxa inkastoo aan la ogayn ilaa hadda tirade rasmiga ah ee ku waxyeeloobay qaraxaas, mana jirto ilaaa hadda cid sheegatay ma’uuliyadda qaraxa, sidoo kale kama aysan hadlin maamulka shabeellaha hoose iyo kan degmadu.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here