Waxaa faah-faahinno dheereed ah laga helayaa dagaallo u dhexeeya ciidamada Jubaland iyo AL-shabaab oo ka dhacay degaanno ka tirsan Gobalada Jubada Hoose iyo Gedo.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maamulka Jubbaland Cabdi Nuur Ibraahim Xuseen oo warbaahinta kula hadlay magaaladda kismaayo ayaa sheegay in howlagaladda dhacay lagu dilay xubno Shabaab ahaa,
Dhanka kale Afhayeenka ayaa sheegay in ay ku wajahan yihiin degaano kale oo cusub kuwaas ay doonayaan in ay shabaab ka xoreeyaan.
Waxaa sidoo kale sheegay in ay u taagan yihiin ciidankoodu difaacidda degaanada Jubaland iyo waliba in ay la dagaalamaan Al-shabaab, waxaana uu sheegay in ay guulo wax ku ool ah xaqiijiyeen ciidamada ammaanka Jubba-land.
Inta badan degaanada Jubaland waxaa ka dhaca dagaallo u dhexeeya Shabaab iyo ciidanka Jubaland, waxaana mar waliba dhacda in ay guulo kala sheegtaan dhinacyada dagaalama.

