Duqa Magaalada Gaalkacyo ayaa kasoo horjeestay warqad xalay kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle ( Xaaf) taas oo xilka looga qaaday Guddoomiyihii magaalada sidoo kalana lagu kala diray mas’uuliyiinta degmada.
Duqa degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre ayaa sheegay in xilka qaadista Madaxweyne Xaaf aan waxba ka jirin,isla markaanawali uu yahay gudoomiyaha Degmadda Gaalkacyo.
Waxaan la ogayn sida xaaf ay ugu dhaqan gali doonto warqadda uu soo saaray ee uu masuuliyiinta xilka uga qaaday iyo tallaabada xigta ee uu qaadi doona, maadddama ay warqaddiisii dhaqan gali weyday.
Xaaf ayaa si xooggan uga soo horjeeda Dowladda dhexe waxaana culuys xooggani uu ka saaran yahay doorashada Galmudug oo sida muuqata u kala jabtay laba qaybood, waxaana xaaf uu qaadacsan yahay sida Dowladda dhexe ay u maamulayso doorashada kasocota dhuusamareeb.
Duqa degmada Gaalkacyo Mudane Xirsi Yuusuf Barre oo ku sugan magaaladda Dhuusa-mareeb ayaa shalay ka qeyb qaatay soo dhaweynta Musharax madaxweyne Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), oo shalay gaaray Magaaladda Dhuusa-mareeb.

