Somaliland oo Lix Ruux Toogatay

0

maanta oo Arbaco ah waxaa  xukun dil toogasho ah lagu fuliyey lix ruux oo xirnaa maamulka Gooni isku taagga Somaliland, waxaana lagu eedeeyay in ay galeen fal danbiyeedyo kala duwan.

Shaqsiyaadka la toogtay oo lagu soo eedeeyay fal dambiyeedyo kala duwan ayaa magacyadooda waxaa lagu sheegay in ay kala yihiin;

1-Farxaam Maxamed Xasan oo kasoo jeeda Buuhoodle

2-Cabdillaahi Ismaaciil Xayd oo ku dhashay Burco

3-Axmed-Guray Ibraahin Faarax oo isana ku dhashay Burco

4-Khadar Aleel oo kasoo jeeda Gabiley

5-Xasan Muxumed Cismaan oo ku dhashay Hargeysa

6-Caydaruus Khadar Haybe oo ku dhashay Hargeysa

Mas’uuliyiinta ayaanan si fahfaahsan u sharaxin dambiyadda la sheegay in lagu helay xubnahaas isla markaana ay ku muteysteen ciqaabtaas.

Sidda ay wararku tilmaamayaan, lixda qof ee xukunka lagu fuliyey ayaa in muddo ah waxay ku xirnaayeen xabsiga weyn ee Mandheera.

Fulinta xukunka, oo naadir ka ah Somaliland, ayaa timid iyaddoo xaaladda xuquuqul insaanka Somaliland muddooyinkii dambe walaac badan laga muujinayey, Xukuumadda talada haysa ee Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu eedeeyay in ay caburiso siyaasiyiinta ka aragtida duwan iyo wariyeyaasha madaxa banaan.

Inta badan waxaa lagu eedeyaa Maamulka Muusa Biixi ku xad gudbidda xuquuqda maxaabiista iyo shaqsiyaadka u dooda xuquuqda aadanaha waxaana u xiran Maamulka Somaliland wariyaal iyo dad kale kuwaa oo kasoo horjeeda sida qaab ka uu u shaqeeyo maamulka Muusa Biixi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here