DFS oo Ka Hadashay Rag Al-shabaab ahaa oo Ka Baxsaday Xabsiga Dhexe

0

Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Maxaabis la sheegay in ay ahaayeen Al-shabab oo xabsiga dhexe ka baxsatay.

Wasiirka cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen, oo kulan la qaatay guddigii loo xilsaaray arrintii maxaabiista dhawaan xabsiga dhexe ee Xamar ka baxsaday ayaa sheegay in arintaas ay waji gabax ku tahay Dowladda,gaar ahaan Taliska Xabsiga Dhexe.

Waxa uu sheegay in Guddiga uu kala hadlay sidii sidii baaritaan loogu sameyn lahaa dadkii Xabsiga ka fakaday,iyo shaqsiyaadka u fududeeyay arintaas.

Xabsiga Dhexe  ee Xamar ayaa waxaa dhawaan ka baxsaday 3-maxbuus oo la sheegay in ay ka Tirsan yihiin Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here