Dab geystay khasaare nafeed ayaa ka kacay guri ku yaala magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal dabka ayaa ka dhashay Haanta Gaaska oo taalay guriga oo qaraxday.
Saddex qof oo ku sugnaa guriga dabka uu ka kacay ayaa ku geeriyooday dabkaasi, waxaana saddexda ruux ay kala ahaayeen aabe iyo laba carruur uu dhalay.
Aabaha guriga ee dhintay ayaa lagu magacaabi Jirey Cumar,wuxuuna dhawaan ka qalin jabiyay jaamacadd ku taala Magaaladda Baydhabo.

