Maamulka Gobolka Banaadir oo Ku Baaqay Banaanbax Ka Dhan ah Shabaab

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay banaan-bax ka dhan ah Al-shabaab,kadib qaraxii ay ka fuliyeen Sabtidii isgoyska Ex-kontorool Afgooye ee Magaaladda Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Maamulka ayaa lagu sheegay in maalinta Khamiista  ee todobaadkaan ay shacabka isugu soo baxaan wadooyinka Magaaladda Muqdisho si ay u muujiyaan in ay ka xun yihiin Ficiladda Al-shabaab.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Shabaab ay dhibaato ku hayaan shacabka ku nool Magalaada Muqdisho, isla-markaana uu bannaanbuxu noqon mid mideynaya shacabka.

Qaraxii sabtidii ka dhacay isgoyska Ex-kontorool Afgooye ee Magaaladda Muqdisho,waxaa ku dhintay dad ku dhow 87-ruux oo shacab u badnaa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here