Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay banaan-bax ka dhan ah Al-shabaab,kadib qaraxii ay ka fuliyeen Sabtidii isgoyska Ex-kontorool Afgooye ee Magaaladda Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay Maamulka ayaa lagu sheegay in maalinta Khamiista ee todobaadkaan ay shacabka isugu soo baxaan wadooyinka Magaaladda Muqdisho si ay u muujiyaan in ay ka xun yihiin Ficiladda Al-shabaab.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Shabaab ay dhibaato ku hayaan shacabka ku nool Magalaada Muqdisho, isla-markaana uu bannaanbuxu noqon mid mideynaya shacabka.
Qaraxii sabtidii ka dhacay isgoyska Ex-kontorool Afgooye ee Magaaladda Muqdisho,waxaa ku dhintay dad ku dhow 87-ruux oo shacab u badnaa.

