Al-shabaab oo War Kale kasoo saaray Qaraxii Ex-kontorool Afgooye Muqdisho.

0

Al-shabaab ayaa war kale kasoo saaray qaraxii Sabtidii ka dhacay Isgoyska Ex-kontorool Afgooye ee Magaaladda Muqdisho.

Mu’asasda Alkataa’ib ayaa soo saartay bayaanka oo ku qoran luqadaha English-ka iyo Carabiga, bayaanka waxaa lagu sheegay in isku geyn dadka ku dhintay weerarka ay yihiin 84 qof islamarkaana dadka rayidka ah ee dhintay tiradoodu tahay 23 qof iyadoona inta kale ay yihiin dhinacyadii ay Xarakadu weerarka ku beegsatay.

Warkaaan ayaa daba socda hada xalay kasoo yeeray afhayeenka Al-shabaab Cali Maxamuud Ragge Cali Dheere, oo sheegay in weerarka lagu dilay saraakiil u dhalatay dalka turkey-ga.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here