Puntland, ayaa Xukuumadda federaalka Soomaaliya ku eedaysay, in ay Ardayda Reer Puntland u diidday Shahaadadii dugsiyada sare ee heer Federaal.
Af-hayeenka Xukuumadda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani), oo ka warbixinayay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay, in ay ka hor istaagtay Deeqihii waxbarasho ee Puntland caalamka ka heli jirtay.
Ardayda Puntland ee sannadkan 2019-ka ka baxay dugsiyada sare, ayaa weli qaarkood u xanniban yihiin shahaadada heer Federaal, halka qaar kalena ay Muqdisho ka doonteen.

