Taliyaha Xabsiga Dhexe oo Sabab u ahaa Dhimashada Maxbuus Xirnaa

0

Taliyaha Xabsiga dhexe ee Xamar Jeneraal Maxamed Shiikh Xirsiile ayaa lagu eedeeyay in uu sabab u ahaa dhimashadda Mid kamid ahaa Maxaabistii ku xirneyd Xabsiga Dhexe.

Taliyaha ayaa nin Maxbuus ahaa aadna u xanuunsanaa kala baxay Isbitaal ku yaala Muqdisho taas oo sababtay in Maxbuuska uu udhinto daryeel la’aan.

Kurtun Xasan Calasoow oo ahaa maxbuus 8 sanadood xarig ah ku xukunaa ayaa ku xanuunsaday Xabsiga dhexe kadibna waxaa lageeyay isbitaal balse maxbuuska oo xaalad kooma ah ku jiray ayuu taliye Maxamed Shiikh Xirsiile kala baxay isbitaalka qeybta xaaladda degdegga ah saacado kadibna Maxbuuska ayaa dhintay.

Dhanka kale Taliyaha Xabsiga dhexe ee Xamar Jeneraal Maxamed Shiikh Xirsiile, ayaa beeniyay eedeenta loo jeediyay,wuxuuna sheegay waqtigiisa uu soo dhamaaday Kurtun Xasan Calasoow.

Waxa uu sheegay in Sharciga Xabsiga u yaala uu yahay in Maxbuuska ka xiran xabsiga aan lagu daweyn Karin meelo kale,islamarkaana marxuum Kurtun uu ku dhintay Isbitaalka Martiini.

Dhacdadaan ayaa si weyn u qabsatay baraha bulshadda,mana jiro wax war ah kasoo baxay Dowladda Soomaaliya oo loogu hadlaayo arintaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here