Wararka ka imaanaya magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in nin walaalkiisa ku dilay magaaladaas.
Falkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Waabari ee Magaaladda Dhuusa-mareeb.
Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Raage,waxaana la sheegay in khilaaf kala dhaxeeyay walaalkiisa uu noloshiisa ku waayay.
Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in khilaaf u dhaxeeyay labadda walaalo uu muddo soo jirey,islamarkaana markii dambe nolosha la dhaafiyay Raagge.
Ruuxa kale ee falka dilka ah geystay ayaa ka baxsaday goobta,waxaana socda baaritaano lagu baadi-goobayo ilaa haatan.

