Faah-faahin:-Toogasho Ka Dhacday Suuqa Degmadda Afgooye

0

Kooxo hubeysnaa ayaa maanta waxa ay dil ka geysteen Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dilkaan ayaa ka dhacay Suuqa Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa toogtay askari ka Tirsanaa Ciidamadda Canshuuraha Dowladda Hoose,waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Goobjoogayaasha ayaa sidoo kale sheegay in kooxihii ka dambeeyay dilka, ay ka baxsadeen goobta,waxaana markii dambe laga qaaday goobta meydka askariga.

Al-shabaab ayaa inta badan sheegta mas’uuliyadda dilalka loo geystay askarta ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here