Mas’uulyiinta Maamulka Galmdug ee loo Xilsaaray Joojinta Dagaalka Maleeshiyaadka Puntland iyo Galmdug ee Gobalka Mudug ayaa ka Digay in la siyaasadeedo xal u raadinta Colaadaasi oo dad badan ay ku dhinteen.
Maamulka Galmudug ayaa muujiyey suurta galnimada Dano gaar ah iyo Arimo lagu dhexlaro nabadeynta Maleeshiyaadka ku Dagaalamay Deegaanada Bariga Gobalka mudug halkaasi oo ay ku sugan yihiin saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee qeybaha Deegaanada Maamulada Galmudug iyo Puntland.
Wasiirka Wasaarada Tarmarta Maamulka Galmudug Axmed Shire oo ka mid ah Mas’uuliyiinta wada Dadaalada Nabada oo la hadlay Idaacada Simba ayaa ka digay in la siyaasadeedo wadada hadalada Xabad-jooyinta ee Laga dhex bilaabayo Dadka Deegaanka ee diriritu ay u dhexeyso, Wasiirka ayaa Xusay in dhanka Galmudug ay Hirgaliyeen Wajidan oo horseedaya in meesha la saaro Xiisadii Colaadeedka ka jirtay Deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee Bariga Gobalka mudug waxaa uuna dhanka Puntland ugu qaabay inay qeybka qaadaan Joojinta Dagaalka Gobalka Mudug.
Maamulka Galmudug iyo Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo Hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Miliotariga Soomaaliya ayaa ku Howlan sidii Xabad jooyin looga Hirgalin lahaa Deegaanka Towfiiq waxaana wararku ay tilaamayaan is afgarad hor dhac ah ay dhinacyadu gaareen.

