Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi Balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta u Amabaxay Magaalada Dooxa ee Caasimada Dalka Qatar, halkaas oo uu uga qayb gelayo Shirweyne Caalami ah oo Soomaaliya qeyb ka tahay Wadamada Lagu Casuumay
Shirkaan loogu Magacdaray Madasha Dooxa ayaa waxaa ka soo qeybgalaya madax ka socota qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo hey’ado caalami ah, waxaana sanadkaan diirada lagu saarayaa ajandayaal ay kamid yihiin Arimaha Amniga,Dhaqanka,Ganacsiga iyo Teknoolojiyadda, kaasi oo socon doona 14k- ilaa 15ka Bishaan Deseembar ee 2019.
Raiisulwasaaraha Soomaaliya ayaa Caalamka uga Warbixinya Horumarka Soomaaliya ay ka sameysay Dhinacyada Amniga iyo Dhaqaalaha ,Dhaqanka Ganacsiga iyo Horumarka Teknoolojiyadda iyo Adeegyada la Xiriira.
Soomaaliya ayaa ka mid ah Wadamada Soojeedinaya Talooyinka Iskaashiga Amniga Maamaada ay Dowladda Soomaaliya waayo arag u tahay Habka loo Tacaalo Falalka Amni Daro Kooxaha Argagixisada loo yaqaano iyo Dagaalada Qabaailka ku saleysan.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa madasha Dooxa ka qayb galay sanadihii 2018 iyo 2017 waxaana Safarkaaan ku weheliya Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wasiirka arrimaha dastuurka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya safarka uu ugu baxay dalka Qatar.
Xasan Cali Khayre ayaa inta uu joogo Dooxa waxa uu kulamo doceedyo la yeelanayaa madaxda Qatar iyo qaar kamid ah madaxda kale ee ka qayb geleysa madasha Dooxa.

