Daaficii Hore ee kooxda Chelsea David Luiz ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo hadii weeraryahanka kooxda Chelsea Diego Costa uu kusoo biirayo kooxda Paris Saint-Germain.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in weeraryahanka heerka caalami ee xulka dalka Spain uu ka dhaqaaqayo kooxda Chelsea isagoona sidoo kale lala xiriirinayo kulaabashada kooxdiisa Hore ee Atletico Madrid.
David Luiz oo Chelsea Horey ugu soo ciyaaray ayaa sheegay in laacibka Costa uu kamid yahay xidigaha dhanka weerarka ugu wanaagsan haduu usoo dhaqaaqayo Horyaalka dalka france uu soo dhaweynayo,

