Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirada Amniga iyo Warfaafinta, iyadoo wasiirka amniga loo magacaabay Maxamed Cabdiraxmaan Kheire, halka Wasiirka warfaafinta iyana loo magacaabay Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, sidoo kale madaxweynaha ayaa magacaabay Wasiiru dowlayaal.


