Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dil caawa ka dhacay Magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Dilkaan ayaa caawa maqribkii ka dhacay agagaarka xaruntii Ex-kuliyadii Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal,dilka waxaa geystay askari ka Tirsan ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in askariga iyo darawalka bajaajlaha ay murmeen dilka ka hor, waxaana baxsaday askariga falkan geystay.
Ciidamadda Dowladda Soomaaiya ayaa inta badan Magaaladda Muqdisho ka geystay dilalka Darawaladda Mooto Bajaajka.

