Xasan Shiikh:-“Xil Ka Qaadistii Axmed Cali Daahir Waa Fursad Kenya La Siiyay”,

0

Kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), uu xilkii ka qaadey xeer ilaaliyihii guud ee qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir,islamarkaana uu magacaabay Xeer ilaaliye kale ayaa waxaa arintaas dhaliilay aqoonyahan Soomaaliyeed.

Pro Xasan Shiikh oo kamid ah Aqoonyahanadda Soomaaliyeed ayaa sheegay in Xeer ilaaliyhii xilka laga qaadey soomaliya uu muhiim ugu ahaa arinta badda waxa uuna sheegay in shaqsigaasi uu ahaa xog ogaal isagoo tilmaamey in wax badan ka ogaa arimaha kiiska Badda ee u dhaxeeya Somaliya iyo kenya

Waxa uu tilmaamey in uu hayay howlihii ugu muhiimsanaa ee dalka waxa uuna Dowladda ku eedeeyay in rabitaan qofeed shaqadii looga eryay Xeer ilaaliyihii Qaranka Soomaaliya.

Prof Xasan Shiikh waxa uu tilmaamey in qatarta ugu weyn ee ka jirto in kenya somaliya caadis ku saarto muranka badda oo uu sheegay in uu meel wanaagsan marayey,ayna suurta gal tahay in la dhumiyo xogihii la hayay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here