Dowladda Soomaaliya oo Ka Tacsiyeysay Askar Faransiis oo ku geeriyooday Mali

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Dowladda Faransiiska kaga Tacsiyeysay Dhimashadda 13-askari oo ku Dhintay Shil Diyaaradeed oo ka dhacay dalka Mali.

13ka Askari oo ka tirsan ciidamada Faransiiska ayaa ku geeriyooday dalka Mali kadib markii ay isku dhaceen laba diyaarad oo helicopter ah, xilli ay ku guda jireen howl-gal ka dhan ah jihaadiyiinta waqooyiga dalkaas.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa loogu tacsiyeeyay Dowladda iyo shacabka Faransiiska.

“Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sida ugu xushmadda sareysa u xusuusanayaa askartan oo noloshooda ku waayey howl-gal, una dhintay France darteed ayaga oo dagaal kula jira argagixiso,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here