Hogaanka Ahlusuna Waljameeca ayaa xalay kulan ku yeeshay Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Madaxa Xukuumada Galmudug,Hogaamiyaha Guud ee Ahlusuna Waljameeca, iyo mas’uuliyiin kale.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa ka hadalka Doorashadda Dowladda goboleedka galmudug, oo haatan la wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya,islamarkaana meesha laga saaray kaalintii Ahlusuna Waljameeca.
Hogaanka Ahlusuna ayaa sheegay in Dacwad ay ka gudbin doonaan Dowladda Soomaaliya,madaama ay xoog kula wareegtay Dhismaha Dowladd goboleedka Galmudug.
Gaba-gabadii kulanka ayaa laga soo saaray Qodobadda hoos ku qoran.
1: In Ahlusunna ay markale Warqad ashtako ah u dirto Beesha Caalamka,taas oo ay ku sheegayaan in dowladda iska dhega tirtay heshiiskii ay wada galeen,isla markaana ay guda gashay xulista Baarlamaanka Cusub ee Galmudug.
2: in Guddiga Farsamada iyo dhismaha Galmudug ee uu Magacaabey Sheekh Shaakir ay muddo Todobaad gudahood ay kusoo xulaan kuna shaaciyaan Xubno Baarlamaan oo ka kooban 89 Xubnood.
3: In Ahlusunna wadatashi kadib ay soo saari doonto habraaca doorashada Galmudug iyo mowqifkooda howlaha ay dowladda Federaalka ka wado deegaannada Galmudug.
4: In tallaabo kasta oo ay qaadayaan Ahlusunna ay noqdaan kuwo taxadar leh,iyada oo hoggaamiyaha Ahlusunna Maxamed Maxamuud uu walaac ka muujiyey sida ay dowladda u wado dhismaha Maamulka Galmudug.

