Wararka naga soo gaaraya Xarunta Xalane Ciidamadda AMISOM, ee Magaaladda muqdisho ayaa ku waramaya in halkaas ay ka dhacday Toogasho aan la aqoon cidda geystay.
Toogashadaan waxaa ku geeriyootay Gabar lagu magacaabi jirey ALMAAS ELMAN.
Darawalka Gabadha kuwaday gaariga oo Uganda u dhashay ayaa sheegay in Xabad ay Muraayadda kasoo gashay islamarkaana ay ku dhacday ALMAAS ELMAN,ayna markii dambe ku dhimatay Isbitaalka Xalane.

