Farmaajo oo 7-Qodob Kula Heshiiyay Madaxweynayashii Hore

0

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo caawa Shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda muqdisho ayaa ka hadlay kulanka ay la yeesheen madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo shirka Jaraaid ka hadlay ayaa sheegay in kulanka uu qaatay muddo seddex saacadood ah looguna hadlay arrimo Muhiim ah.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in qoddobo badan ay ka wadahadleen Madaxweyne Farmaajo, balse muhiimadooda ay ahaayeen arrimaha doorashooyinka, khilaafka dowlada iyo maamul goboleedyada,dhowrista dastuurka,gobolka Banaadir,amniga iyo la dagaalanka Al-shabaab.

Halkaan Hoose ka akhriso Qodobada Lagu heshiiyay.

1 – Madaxweyne Farmaajo waxa uu ka garaabay, raali gelinna ka bixiyey is-hortaagyo madaxdii hore ee dalka lagu sameeyey xilli ay doonayeen inay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde

2- In Shacabka Gobolka Banaadir xuquuqdooda la siiyo, oo ammaankooda la sugo iyo in canshuurtooda wax loogu qabto

3- Waxaa la isla gartay in doorashooyinka hay’adaha dastuuriga ah oo dhan ay xiligooda ku dhacaan. Dhamaan dowlada federaalka, dowlad goboleedyada iyo saamilayda siyaasadeedna ay ka heshiiyaan noocaa doorashada.

4- In la dhowro dastuurka, xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed. Islamarkaana taas ay si isku mid ah u ilaaliyaan dowladda iyo xisbiyada mucaaradka

6- Inaan hay’adaha amniga loo adeegsan siyaasadda, islamarkaana siyaasiinta aysan siyaasadeysan amniga.

 

7- In meel looga soo wada jeesto la-dagaalanka Al-Shabaab, islamarkaana si wadajir ah looga shaqeeyo amniga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here