Saraakiisha Ciidamada dowlada ee ku sugan gobalka gedo ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan Gobolka ay soo magacaabeen gudoomiye cusub kaa oo ka amarqaata saraakiisha ciidamada Kenya ee ku sugan degmadda ceelwaaq.
Cabdi nuur isxaaq oo kamid ah saraakiisha Ciidamada dowlada ee ku sugan gobalka oo la hadlay idaacada simba ee muqdisho ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee kusugan degmada ceel waaq ay gudoomiye cusub usoo magacaabeen degmada ceelwaaq ee gobalka gedo.
Sarkaalka waxa uu hoosta ka xarriiqay in gudoomiyaha lasoo magacaabay aysan wax wadashaqeen ah kadhaxeenin saraakiisha ciidamada dowlada ee kusugan gobalka gedo.
Dhinaca kale cabdinuur isxaaq ibraahim ayaa shaaca ka qaaday in ay diideen saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan degmadda Ceelwaaq in ay la kulmaan madaxweyne kuxigeenka 1aad ee maamulka juballand maxamuud sayid aadan oo booqasho kujooga gobalka gedo waxa uuna intaasi kudaray in madaxweyne kuxigeenka 1aad loo diiday in uu soo galo degmada ceelwaaq isagoo na haatan kusugan duleedka degmada Ceelwaaq.

