Al-shabaab ayaa Xukun 100 Jaydal iyo Masaafurin ku fuliyay Nin Kufsaday Gabar.
Xukunkaan ayaa ka dhacay Fagaara weyn oo ku yaala degmada Kuunya Baroow ee Gobalka Shabeelada Hoose,waxaana ka qeyb galay xubno Al-shabaab ahaa iyo shacabka Degmadda.
Xukunka ayaa lagu fuliyay Xuseen Xeefoow Xasan oo si xoog ah kaga Zineystay mid ka mid ah Gabdhaha ku dhaqan degmada Kuunya Barroow.
Maxkamadda Al-shabaab waxaa dacwad usoo gudbisatay haweenay lagu magacaabo Xaawa Muudeey Cali oo ka dacwoonaysa ninka kufsiga ugeystay.
Xuseen Xeefoow Xasan oo aanan guur soo marin ayay Maxkamadu ku xukuntay Boqol Garbaash iyo hal Sano oo Musaafurin ah,wuxuuna qirtay dambiga lagu soo oogay, waxaa goobta fagaaraha xukunka ka aqriyay Qaadiga Maxkamada Islaamiga ee degmadaasi.

